XOG CUSUB:- Maxaa dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Odayaasha Beesha Habargidir?

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Habar­gidir.

Kulamada uu Madaxweynaha la qaatay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ayaa salka ku hayay dacwooyinka loo heysto Hanti dhowrihii Guud ee xilka laga qaaday Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Madaxweynaha Somalia ayaa Beesha Habar­gidir ka dalbaday in gacanta dowladah ay kusoo celshaan Hanti dhowrihii ay la baxeen, waxa uuna ku baaqay in muddo kooban lagu soo dhiibo.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in Odayaasha Beesha uu ka codsaday inay ka jawaab bixiyaan faragalinta lagu sameeyay amarkiisa ee lagu xiray Hanti dhowrihii xilka waayay.

Ilo ku dhow dhow mas’uuliyiinta ka socday dhanka Beesha Habar­gidir ayaa sheegay in Madaxweynaha uu muddo kooban u qabtay Beesha Habar­gidir inay kusoo gacan galshaan Hanti dhowrihii lagala baxay Villa Somalia.

 

Waxaa dhanka dowlada weli qabyo ka ah baaritaanka lagu hayo Hanti dhowrihii hore, waxa uuna Madaxweynuhu dalbanayaa in Beesha Habar­gidir ay faraha kala baxdo howlaha ku aadan baaritaanada kiisaska heer danbi ah.

Geesta kale, Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa iminka ku sugan mid kamid ah Hoteelada magaalada Muqdisho, halkaa oo ay ku ilaalinayaan ciidamo u gaar ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar