XOG;-Cusub. Madaxweyne Farmaajo. Rw. Kheyre oo Maxkamda, la Soo Tagaayo, Ka Dib Markii.Lagu Edeyay….

Hanti dhowrihii xilka qaadista lagu sameeyay Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa lasoo sheegayaa inuu dacwad ka dhan ah madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ugudbiyay maxkamada sare.

Warqada dacwad ah oo uu qoray Dr Nuur Faarax ayaa loo gacan geliyay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka iyadoo arimo xasaasi ah ku haysta madaxda dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Dr Nuur Faarax Jimcaale uu gudbiyay in la jabsaday xafiiskii uu ku shaqeynayay isla markaana lala baxay dokumentiyo uyaalay halkaas.

Madaxda dowladda ayuu u eedeeyay iney jabiyeen nidaamkii qaranimada Soomaaliya ayna ku kaceen fal lamid ah kuwii ay burcadda sameyn jireen sida uu hadalka udhigay

Ilaalada Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaaLagu Edeyey in uu ka Danbeyey Dilka Wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Marxuum Cabaas Siraaji, taasi oo keentay in Golaha Wasiirada xilka ka qaadan Nuur Faarax.

Si kastaba, Dr Nuur Faarax oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in arintu ay ka weyn tahay dilkaas ee si shaqsiyan ah uu weerar ugu yahay Ra’isul Wasaare Kheyre

Arimaha ugu waa weyn ee la isku haysto ayaa lagu sheegay iney tahay in Hanti-dhowraha uu diiday in heshiisyo la siiyo shirkado waa weyn.

Shirkadahaas ayaa waxaa kamid ah kuwa Shidaal, waana sababaha ugu weyn ee xilka qaadista loogu sameeyay sida laga soo xigtay wararka la helayo

Si kastaba, Khilaafka ka dhashay arinta dilka wasiirka iyo xilka qaadista Dr Nuur Faarax ayaa wali laga dareemayaa xafiisyada hay’adaha dowladda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar