XOG;- Beesha Habargidir oo ku Dhawaqay Go’aan halis ku ah Dowladda Farmaajo…

Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaa shir xasaasi ah isugu yimid Odayaasha, Waxgaradka & Siyaasiinta Beesha Habargidir oo ay uga wada hadleen arrimaha la xariira dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee uga yimid dhinaca dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Waxaana Shirkan uu daba socday shirar ay guddi beeshaas ka socda la yeesheen Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka Soomaaliya kaas natiijo la’aan ku soo dhamaaday sida aan warar hoose oo aan helnay aan ku ogaanay.

Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Habargidir ee lakulmaya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii ay ugu tageen Madaxda Dalka oo ay ku soo koobeen ilaa sadex qodob oo kala ah.

1- In kiisaska la xariira Hanti Dhawraha Guud iyo Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta lagu xaliyo si ka duwan sidda ay hadda wax ku socdaan, lana joojiyo xabsiyada iyo caga-jugleynta.

2- In Xaquuqda beeshaas ay ku leedahay gobalka Banaadir & guud ahaan wax qeybsiga beesha Hawiye dhexdiisa ah la muujiyo.

3- In go’aan wada jir ah laga soo saaro xirnaanshaha wadaadka mayalka adag ee Xasan Daahir Aweys oo xabsi gurri ah iyo qodobo hoos imaanayey.

Guddigu waxay si cad usheegeen in aysan waxba garowshiyo ah ka helin madaxda dawladda Soomaaliya, gaar ahaana Ra’isul wasaaraha oo ay sheegeen in uu si cad ugu sheegay in xaqii beesha Hawiye uu isagu ku fadhiyo saamigeeda.

Kiisaska la xariira Hanti Dhawraha guud oo xilkii laga qaaday, loona haysto dilkii Wasiirkii howlaha guud & Guryeynta ayay sheegeen in ay Madaxdu si cad u diiday in qaab-qabaa’il wax loogu xaliyo.

Waxaa dhinacyada Beeshan ayaa isku raacay intaa kadib in la soo saaro go’aamo Saxaafadda lala wadaagayo oo ay ugu horeeyaan in dib loo eego xariirka dawladda Faderaalka iyo Beesha Habargidir.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar