Wariye Sharci Darro Loogu Xirey Magaalada Muqdisho

Wariye Cabdiqani Cabdulaahi Ibraahim oo kamid ah Wariyaasha Sooomaaliyeed kaasi oo mudo sanado ah ka soo shaqeeyay Idacadda Kulmiye ayaa waxaa uu haatan ku xiranyahay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Wariye Cabdiqani Ifiye ayaa ku xiran  Xabsiga Dhexe ee Muqdisho mudo 6 bilood ah mana jirto Maxkamad Xukun ku riday,waxaana uu u xiranyahay Burcad u dhashay Wadanka Suudaan.

Wariyaha Xiran ayaa sanadkii 2013 waxa uu tagay Wadanka K/Suudaan waxana uu kamid noqday ganacsatadda Soomaaliyeed eek u ganacsada wadankaasi dhawaan Xoriyda Qaatay.

Wariye Cabdi Qani ayaa waxaa la sheegay intii uu ku sugnaa K/suudaan in lacagtii uu ku ganacsanayay uu ka dhacay Nin Burcad ah oo u dhashay Wadanka Suudan Kaasi oo la sheegay in uu ku suganyahay Magaladda Muqdisho isaga oo garab ka heesta Saraakiil ka tirsan Dowlada.

Hooyadda Dhashay  Wariye Cabdiqani Ifiye ayaa inoo sheegtay in Wiilkeeda uu u xiranyahay Nin Burcad ah oo dhashay Wadanka Suudaan kaasi oo soo adeegsaday Dad Soomaali ah.

Waxaana intaasi ay ku dartay in Wiilkeeda ninkaasi Burcadka ah uu ku soo eedeeyay in uu ka soo qaatay lacag gareesa Haaf Milyan,waxaana iska cad in arinkaasi aanay waxbo ka jirin.

Wariye Cabdiqani Cabdulahi Ibraahim ayaa ka mid ah Bahdda Saxaafadda Soomaaliya waxana eheladiisa ay ka dalbadeen Dowladda Soomaaliya in arinkaasi ay soo faragaliso.

Ehelada Wariyaha Xiran ayaa sidoo kale ka dalbaday Suxufiyiinta Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan sidii dib Xoriyadiisa uu ugu heli lahaa Wariye Cabdiqani Ifiye oo isaga oo aan la xukumin ku xiran Muqdisho.

ninka u dhashay wadanka Suudaan ayaa la sheegay sababta uu u xirtay Wariye Cabdiqani Cabdulahi ibraahim in ay tahay sidii uu dalkiisa dib ugu laban lahaa isagoo lacagaha uu ka soo dhacay ganacsatada wadankaasi dusha ka saraya wariyaha maadama eedesane uu ka yahay k.suudaan intaas


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar