TopNews: Maxaa ka soo baxay Kulan Xasaasi ah ee dhexmaray RW Kheyre & Beelaha Habar gidir?

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray eedeymo fara badan oo loo jeedinayay hab dhaqanka Siyaasadeed ee Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, inta badan dhaliilaha waxay uga imaanayan beelaha dega Magaalada Muqdisho, waxaana la soo sheegaya inuu maalmihii la soo dhaafay ku hoos noolaa cadaadis iyo qaylo uga imaanaysa qabaa’iilka isaga ka soo jeeda.

Si xiisada taagan u dejiyo isla markaana u sameysto derbi adag oo aan la soo jabin karin waxaa uu bilaabay inuu kulamo la yeesho Xildhibaanada Beesha Hawiye inta ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulankii xalay Kheyre la yeeshay Xubnaha Hawiye waxaa uu ahaa mid albaabada u xirnaa mana jirin wax faahfaahin oo kulankaas ka soo baxay.

Balse waxaa jira tuhun ah in kulankan lagu soo qaaday wixii ka dhex dhacay Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre iyo Hanti dhowrka Qaranka Nuur Faraax, khilaafkii ka taagnaa Wasaaradda Warfaafinta, dhaliilaha loo jeedinayo Madaxweynaha kuna aadan nidaamka xil ka qaadista iyo xil magacabista iyo inaan la beegsan oo keliya reer gaar ah.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa ka welwlsan xaalada siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka iyo guuxa ku aadan inay soo badanayaan kooxaha mucaaradsan siyaasadiisa taas oo laga yaabo inay ku ballaarato aqalka Baarlamaanka dalka.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar