Dhageyso;Warbixin+ Maamulka Degmada Gaalkcyo ee Galmudug oo Lagu Edeyey in Suusan Waxba Ka Qaban Hormarinta Gaalkcyo

Bulshada kunool dagmada Gaalkacyo Galmudug ayaa maanka ku hayay markii ladoortay Maamulka hada ka arimiya dagmada Gaalkacyo Wax ayna Bulshadu Habi weynayeen in ay heli doonan

badalka canshuurta laga qaado sida bilicda magaalada oo ay qayb kayihiin dhismaha wadooyinka iyo iftiiminta magalada xiliga habeenkii waxaana  taa badalkeed shacabka magaalada ay aminsan yihiin in maamulkoodu uu kasoo bixiwayay in isbadalkii ay doonayeen in uu sameeyo

Maamulka uu hogaamiyo duqa dagmada Gaalkacyo xirsi yuusuf bare oo jirsaday  hal sano ayaa lagu dhaliilay in uusan waxqabad muuqada la imaan balse ay sii nusqaamayaan waxqabadkii maamulkii ka horeeyay ee uu horkacayay bile diini

qaar kamid ah bulshada dagmada gaalkacyo oo goobjoog lahadlay ayaa dareenkooda ku muujiyay sida ay ula muuqato howlihii waxqabad ee ay ka dhursugayeen Maamukooda

 

dhismaha kusocda magaalada oo sii badanaya wadooyinka ay gadiidku isticmaalan oo aan badnayn iyo qaab dhismeedka xaafadaha oo aan lahagaajin ayaa Dilay bilicdii caasimada gobolka mudug  ee Gaalkacyo oo laga dareemayo kobac dhaqaale iyo mid dhisme

 

Duqa dagmada gaalkacyo xirsi yuusuf bare ayaa Difaacay  in maamulkiisu shaqo gudasho la.aan aysan  jirin balse waxa uu qiray in dib udhac dhanka bilicda ah uu gaalkacyo ka jiro waxa uu farta kugoday halka ciladu ka jirto ee maamulkiisa ka Shaqeyn Wayay.

 

duqa gaalkacyo  ayaa sheegay in ay jiraan Dad qoylaysto ah hagardameeya bilicda magaalada kuwaas oo xiliga habeenkii furta soolarada ku shaqeeya ilayska cadceeda islamaraakan ahaa kuwo looga baxay baahidii korantada

inkasto la rumaysan yahay in maamulku gurab iyo gaanshaanba uu  uga baahanyahay shacabka uu talada uhayo hadana bulshada gaalkacyo ayaa qiray in ay la,yihiin cid ku dhiirigalisa  howshaas oo majaraha uqabata si dhinacooda ubuuxiyaan waakan mid kamid ah bulshada magaalada oo arintaas qiray

 

Magalada Gaalkcyo ayaa ah Magaalo Bulsho Badan ay ku nool Yihiin Wax ayna Dhanka Hormarka la Jaanqaadeysaa Magaaloyinka kale Inkasto Mararka Qaar Caqabado Badan la soo Gudbonadaan..

Halkaan ka Dhageyso Codka Warbixinta.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar