Dhageyso;- Dowladda Madaxweyne Framaajo oo Shaacisay in Gacantoda ka Baxay Amaanka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay Madaxweynaha iyo isaga inaysan waxba ka qaban karin xaaladda dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inaysan habooneyn in madaxda kaliya lagu fiirsado wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya oo u baahan si wadajir ah in looga qayb qaato xasilinta dalka iyo nabad ku soo dabaalidiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Ayaaa sheegay in uu Gacanta ka baxay Amaanka Guud EE Caasimada Somaliya Tasi ay noqatay mid aysan xakameyn karin Madaxda Dalka

Muwaadin kasta Soomaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya inay masuuliyad ka saaran tahay wax ka qabashada xaaladda Somaliyed, si looga baxo dhibaatada, wuxuuna sheegay madaxda dowladda inay muhiim tahay in lala xisaabtamo.

Ugu dambeytii Waxaa uu xusay in dhalinyarada Soomaaliyeed in laga doonaayo in ay is abaabulaan oo ay la xisaabtamaan Madaxda dowladda.

Halkaan. ka Dhageyso


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar