Deg Deg; Xiisad udhaxeysa Koxda Sufa oo Ka Tagan Degaanka Mareer, guur .Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal iyo hub u ruursi xoogan oo u dhaxeysa Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Ahlusunna ee ka taliya Guri ceel iyo Dhiisa Mareeb.

Xiisad ayaa waxaa ay u dhaxeysaa Ciidamada Ka wada tirsan Ahlusunna kuwaas oo qaar ka tirsan Ciidamadooda ay isku horfadhiyaan Deegaanka Mareer guur oo u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa Mareeb.

Xiisada ayaa soo bilaabatay lka gadaal markii 3 ka mid ah Ciidamada Ahlusunna ay u goosteen Dhinaca Maamulka Galmudug iyadoo intaa ka dib maamulka Ahlusunna uu xiray Ciidamo kale oo la sheegay in ay qorshaha goosashada Ciidamadaas ay wax ka’ogaayeen.

Dadka deegaanka ayaa aad u baqanaya waxaana sii xoogeysanaya Xiisada oo la so sheegayo in hadda Deegaanka ay isku hor fadhiyaan Labo ciidan oo ka wada tirsan Ahlusuuna, mana jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay xiisadaas oo ah dhinaca Ahlusunna.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar