Deg Deg;- Xiisad Dagaal oo weli ka jirta Bariga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya

Wararka Saakay naga soo gaaraya Degaanka Labi-caanood ee Bariga Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli halkaas ay ka jirto Xiisad Colaadeed oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo Beelood oo Shalay halkaas ku Dagaalamay.

Dagaalkii Shalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 Qof halka ay ku dhaawacmeen in kabadan 10 kale.

Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Degaanka Labi-caanood ee Bariga Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay weli isku Hub Aruursanayaan,iyadoo Xilli kasta la filan karo Dagaal Labada Dhinac dhexmara.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa Labada Dhinac ka dalbaday in ay Joojiyaan Dagaalka islamarkaana ay ka wada hadlaan Khilaafka u dhexeeya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu Sababay Dhul Daaqsin ah oo ay isku qabteen Maleeshiyo Beeleedka ku Dagaalamay Bariga Gobolka Galgaduud.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar