Deg Deg;-Mas’uul Ka Tirsan Galmudug Oo Ku Geeriyoodey Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyoodey guddoomiye ku xigeenkii dhanka arrimaha bulshada gobolka Mudug ee Galmudug, Maxamed Cali Ruush.

Cabdirashiid Xaashi Cartan oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida ku xigeenkiisa, isaga oo sheegay inuu xanuunsanayey.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in marxuumka dhintay uu muddooyinkii ugu dambeeyay aad u xanuunsanayey, islamarkaana uu ahaa shaqsi waxbadan ka qabtay gobolka Mudug.

Maanta ayaa lagu wadaa in meydka guddoomiye ku xigeenka Mudug lagu aaso magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar