galmudug-media

XOG Culus: Madaxtooyada soomaliya oo Boob Qasaare loo gastay ka Dib Markii….


Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka soconeyso boob iyo bililiqo lagu hayo hantida qaran ee halkaa ku xareysan.

Agab u badan gawaarida aan xabadu karin, Hub iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaa la sheegayaa in lagala baxay Villa Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay.

Dadka arrintan sameynaya ayaa u badan xubno ku dhaw-dhaw Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Villa Soomaaliya ku yaalla Keydka 3aad ee wasaarada Gaashaandhiga, waxana la rumeysan yahay in hub badan lagala baxay saacadihii la soo dhaafay.

Dad falkan sameynaya ayaa qaarkood la sii ogaaday Magacyadadooda inkastoo aan weli warbaahinta loo soo bandhigin,

Xiligan kala guurka ah ee xil wareejintu ay dhaceyso ayaa inta badan waxa dhaca dhacdooyin u muuxda boob hanti qaran.

Sandkii 2012kii waxaa la soo wariyay in dad ku dhawaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay boob ku sameeyeen hantidii Villa Soomaaliya iyadoo la xiray dad lala xiriirinayay ficilkaas.

Waxaana hadea weli lagu Raas jogaa Cid ka danbeysa olahaan lagu Bobaayo Hantidii taalay Madaxtoyda Somaliya.

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS