galmudug-media

Dhageyso: Mukhtaar Roobow oo Si Rasmi ah ushaaciyay in uu isku Dhibaayo Dowladda Farmaajo.


Waxaa maalmihii dambe isa soo tarayey wararka sheegayo in Maamulka koonfur Galbeed uu lasoo xiriiray hoggaamiye weyn oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kaasoo rabo inuu isisoo dhiibo.

Waxaa la sheegay inuu Dowladda isku soo dhiibo rabo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxaana arrintaan ka hadlay Wasiirka Hubka Dhigista Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay).

HALKAAN KA DHAGEYSO

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhaweeyeen ciidamo badan oo kasoo goystay Al-Shabaab sidoo kalana ay jiraan kuwa kale oo hadda isku diyaarinayo sidii ay isku soo dhiibi lahaayeen.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid markii ay shalay soo bandhigtay maamulka Koonfur Galbeed ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay isisoo dhiibeen, wuxuuna wasiirka sheegay inay si fiican usoo dhaweeyeen kuwa yimid kuwa soo socdana ay si kasii weyn u casuumi doonaan.

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS