galmudug-media

DHAGEYSO – Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo dib uga soo laabtay Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Ogow Sababta


Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa dib uga soo laabtay Degaanadii weerarka ay ku qaadeen ee Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin Shabaab.

Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Nabad sugidda Galmudug oo ay taageerayaan Ciidamo cadaan ah ayaa Todobaadkan waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen Degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Wararka ay heleyso Warbaahinta ayaa sheegaya Ciidanka badankooda in ay dib kaga soo laabteen Degaanadaasi, mana cada sababta keentay in Ciidamada ay dib u soo laabtaan.

Wariye ayaa soo sheegaya Ciidankii soo laabtay qaarkood in ay u jiheesteen dhanka Magaalada Gaalkacyo, halka qaarka kalena ay u dhaqaaqeen dhanka Degamada Hobyo.

Guddoomiyaha Degaanka Camaara Yuusuf Salaad Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in Ciidamada ay dib u soo laabtaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS