galmudug-media

DEG DEG:Ciidamadii huwanta ah Galmudug & Danab oo Qorshe kale Ka Bilaabay Mudug……


Ciidamada Maamulka Goboleedka Galmudug iyo kuwa Kumaandooska Danab ayaa lasoo sheegayaa inay isaga baxeyn Deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug kadib laba maalin oo ay halkaas ku sugnaayeen.

Ciidamadaan Huwanta ah oo wararka qaar sheegayaan inay la socdeen ciidamo caddaana ayaa dagaal culus Al-Shabaab kula galay duleedka deegaanka Cammaara lamana ogo sababta rasmiga ah ee keentay inay halkaas Faarujiyaan.

Ciidamadaan ayaa kasoo kicitimay Magaalada Gaalkacyo maalintii Isniinta aheyd kuwaas oo qorsheenayey inay xoog ku gaaraan Xarardhere halkaas oo ay ku xoogan yihiin Ciidamada Al-Shbaab.

Guddoomiyaha Degmada Cammaara Yuusuf Salaad ayaa ka dhawaajiyey inay laabashada ciidamadaan sabab u tahay inaan lagala tashan iyaga oo ah maamulka Degmada taasina ay keentay inay dagaalka ku fashilmaan.

Guddoomiyaha oo la hadlayey saxaafadda ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in ciidamadaan ay dib isaga baxeyn magaalada Duhurnimadii maanta isla markaasna wuxuu caddeeyey inay u dhaqaaqeen xaggaas iyo Hobyo.

dadka degaanka ayaa Warbahinta u Xaqijiyay In Manta Ciidamo Badan lagu Arkay Degaano Badan oo hoosta Degaanka Wisil ee Kunfurta Gobolka Mudug

Dhanka kale Warar Hoose oo aan heleyno ayaa kuwa Ramaayo in Sarakiisha Cidankaas hogamineysa ay Badaleen Qorshihii Dagalka ee Aweel ay wadeen wax ayna hada la soo baxeen Qorshe Cusub Oo Lagu Bacsanaayo Ururka Al.Shabab ee Ku Sugan Degmada Xarar Dheere Ee Kunfurta Gobolka Mudug.

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS