galmudug-media

Deg Deg;- Xiisad Dagaal oo hada Ka Taagan Magalada Garawe Ee Puntland


Xaalada magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa maanta si weyn u kacsan, waxaana macquul ah in uu ka dhaco gudaha magaalada Garoowe dagaal culus kaas oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo ciidamo u daacad ah madaxweynihii hore ee Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.

Dr. Faroole iyo Cali Xaaji Warsame wasiirkii hore ee warbarashada Puntland ayaa madaxweynaha Puntland uu u diiday in lasoo dhoweeyo oo ay soo galaan magaalada Garoowe, waxaana taas badalkeedu ay sababtay in Mr. Faroole oo soo kiciyo boqolaal askar oo u daacad ah iyo gaadiid dagaal oo aad u badan kuwaas oo si khasab kusoo dhoweynaya amaba dagaal la gali kara ciidamada Daraawiishta Puntland ee haatan iyagu la safan C/weli Gaas.

Siyaasiintan ayaa subaxnimadii hore ee maanta dhigtay fagaaraha ay caanka ku tahay magaalada Garopwe maleeshiyo ku hubeysan iyo gaadiidka dagaalka, taasoo muujinaysa in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay fashilayso soo dhowayntooda amaba dagaal la gasho.

 

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS