galmudug-media

Deg Deg;-Mid kamid ah Suuqyada magaalada muqdisho oo caawa gubatay


Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho waxaa ay sheegayaan in Dab Xoogan uu caawa qabsaday Suuq weyn oo laga tukaameysto oo ku yaala Degmada Wadajir.

Suuqa ayaa lagu magacaabaa Suuqa Buulo Xubeey kaas oo ay ku  yaalaan Mehrado waaweey oo Baqaaro ay ku jiraan islamarkaana Lagu iibiyo Agabyada kala duwan ee dadku ay isticmaalaan ,

Wararka ayaa sheegaya in Dabka uu ka dhashay koronto, waxaana dabka uu u muuqdaa mid sii xoogeysanaya iyadoo ay jiraan Gurmad xoogan oo dadka deegaanka ay ku doonayaan in ay ku baqtiiyaan.

Majiro wax Gaadiid dab damis ah oo goobta gaaray ilaa hadda, iyadoona wararka ay tibaaxayaan in uu khasaaro hantiyadeed geystay dabkan caawa ka kacay Suuqa Buulo Xubeey.

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS