galmudug-media

Xog;- Dhac Xiisada Siyaasadeed oo ka Dhex Tagaan. Jawaari & Xiddig


Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya hadana Ah Musharrax u taagan Markale in uu xilkaasi qabto Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Maanta kulamo aan kala tag la heyn la qaadanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Mr Jawaari ayaa wada Olalihii ugu dambeyay Maadaama Saacado qura ay ka harsan tahay Waqtigii lagu Madal sanaan inay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka & Ku xigeenkiisa.

Villa hargeysa ayaa la sheegay in Prof’Jawaari uu ka wado olalihiisa iyadoo jawaari uu hada heysto sid ala sheegayo codod uu ku tashankaro waxaana la tilamaamayaa in Qaarkamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda  Puntland ,Jubbaland uu ku tashanayo.

walow ay jiraan Xildhibaano kale oo taageero uu ka heysto Jawaari,Dhaqaalo badan ayaa la sheegayaa in Maanta ay Xildhibaanada uu horyaalo oo ay wadaan Musharrixiin Doonaya in Codka baarlamaanka ay helaan.

Musharrixiinta ugu Xamaasadda Badan waa C/rashiid Xiddig & Prof’ jawaari kuwaas oo habsiyaasadeesan taageero uga helaya Musharrixiinta Xilka Madaxweyanah utaagan kuwaas oo iyagu rajadooda ay ku xiran tahay Cida ku soo baxda Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Olalaha Jawaari waxaa waxaa qeyb kawada Xildhibaano heyb ahaan ka soo jeeda Beesha Daarood kuwaas oo ka biyo diidan in Musharrax C/rashiid Xiddig uu ku guuleysto Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Beesha Daarood ka soo jeeda ayaa culeys lagu saarayaa Sidii ay u jebin la haayeen hamiga Xiddig oo isagu loo arko caqabad ku hor gudban Musharraxiinta Beesha Daarood  oo miisan ku leh siyaasadda Dalka kuwaas oo  u sharaxan Xilka Madaxtinimada Dalka

 

Loolanka adag ee ka taagan kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku loolamayaan afar musharax ayaa waxaa xiiso u yeelaya sida isha loogu wada haayo oo ay cid walbana ay dooneyso inay sii ogaato shaqsiga noqon doona Madaxweynaha.

Taariikhda siyaasada Soomaaliya waxaa soo jireen u ahaa in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay helaan beelaha Digil iyo Mirifle, marna ma dhicin tan iyo 1960 in shaqsi kale oo aan aheyn beelahaas inuu ku soo baxo xilkaas.

Doorashada sanadkan Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay iska shabahaan tii sanadkii 2012, xilligaasoo ay isku soo sharaxeen Musharaxiin isku dhaf ahaa oo aan hal beel ka soo wada jeedin, hase ahaatee sida caadada aheyd waxaa xilligaas ku guuleystay nin ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaana ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo ka adkaaday Cali Khaliif Galeyr.

Laakiin doorashadan sanadkan waxay wax badan uga duwanaan kartaa tii 2012, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa hardanka siyaasadeed ee ka dhex socdo Maamul goboleedyada qaar.

Hadaba Cida Ku guuleysata Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soamli C/rashiid Maxamed Xiddig & Maxamed Sheekh Csumaan Jawaari ayaa tusaalana u noqon karta Musharraxa ku guuleysanaya Xilka Madaxweyanah Soomaaliya oo Murrashaxiin badan u taagan yihiin.

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS