galmudug-media

(Dhageyso-Sawiro) Guddiga Nabadeynta Gaalkacyo oo kulan yeeshay kana hadlay Arimo aan Looga Baahneyn…..


Xilli Maalintii shalay Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya ay heshiis ka kooban saddax qodob ay ku gaareen madaxweynayasha Galmudug iyo Puntland kuna saabsan nabadeynta Gaalkacyo ayaa haddane arimahasi waxaa soo dhaweyay gudigi ku howlanaa nabadeynta Gaalkacyo .

kulan Maanta xubnaha guddiga ee kala socda Galmudug iyo puntland ay ku yeesheen bartmaha Magalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kaga hadlee halka uu marayo wada hadalada labada dhinac iyo sida ay u arkaa heshiis shalay muqdisho.

Guddiga aya sheegay in si weyn u soo dhaweynayaan qodobadii shalay lagu gaaray magalada muqdisho iyagoona dhinac kale sheegay in ay sii laba jibaarayan nabadeynta Galkacyo si ay sheegayaa Gudoomiyaha Gobolka mudug Ee Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan iyo Xasan Maxmed Maxamed Abgalow oo ah Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Puntland

Dhinac kale qaar ka mid ah Waxgaradka Magalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweyay dadaalada ay wadaan madaxweynasha Galmudug iyo Puntland

Kulanka manata ka dhacay gaalkcyo ayaa ku soo aadaayo xili weli hakad ku jiro Isku Socodka Ganacsiga Maglada Gaalakcyo.

Bulshada gaalkcyyo in badan waxaa ku soo laab laabtay kulan ay yesheen Gudiyada nabadeynta gaalkcyo ee labada dhinac kuwaas oo weli wax Go,aan ah ka Gaarin dhacdoyinka  ka jirta Gaalkcyo Balse hada waxaa muqata in kulmada inta badan ay yesheen labada Dhinac ay noqdeen kuwa wax muhiimad ah aan ugu Fadhin Bulshada Gaalkcyo.

Hoos ka Dhageyso Dhamaan Cododka Oo Dhan

Sawiro;

 

 

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS