galmudug-media

Dhageyso;-Ciidanka Bada Galmudug oo Gacanta ku dhigay Dooni Si Sharci Daro uga Kalumeysaneysy Xebaha Mudug


Ciidanka badda Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay dooni kalluumeysi sharci daro ah ka waday xeebaha Galmudug, kadib howlgal ay ciidanka ka sameeyeen xeebaha ku teedsan degaanada Galmudug.

Doonidaan ayaa laga leeyahay dalka Yamen.

Ciidanka Badda dowlad goboleed Galmudug ayaa dhaawacay labo ka mid ah shaqaalihii doonida waday ka dib markii ay isku dayeen in ay baxsadaan .

Doonida ayaa waxaa saarnaa shaqaale aad u badan oo tiradooda lagu qiyaasay 30 qof.

Doonida ayaa hadda lagu haya degaanka labad oo ku dhaw Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Cabdudir Cismaan oo ka mid ah Sarkiisha Ciidanka bada Galmudug ayaa warbahinta uga waramay Howalgalka lagu soo qabtay Donida Sida Sharcidara uga Kalumeysayneysa Xebaha Galmudug

iyo Halka ay hada ku sugan tahay Donidadaa ay gacanta ku hayeen Ciidanka Mariiniska Galmudug

Howlgalkaan ayaa ciidanka Galmudug waxa ay bilaabeen maalmo ka hor, waxaana u jeedka howlkaani uu ahaa in laga hortago kalluumeysiga Sharcidarada ah.uga Socoda Xebaha Galmduug

Halkaan ka Dhageyso.

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS