galmudug-media

DAAWO: Muqalka Al-Shabaab oo Sir Badan Ka Shifay Arimo Muhiim ah ka hadlay..


Afhayeenka Kooxda AlShabaab Sheekh Calli Maxamed Raage (Cali dheere) ayaa wareysi dheer siiyay Tv-ga Al-Jazeera isagoo kaga hadlay arimo xasaasi ah.

Cali Dheere ayaa la weydiiyay su’aalo adag oo ay kamid yihiin in kooxdiisa AlShabaab ay ku guuldarerysteen dagaalkii ay kula jireen ciidamada Amisom iyo DF Soomaaliya.

Afhayeenka AlShabaab ayaa shaaca ka qaaday in qorshahooda uu dheeryahay isla markaana ay doonayaan iney maamulaan oo ay diinta islaamka gaarsiiyaan dhamaan bariga Afrika.

Wareysigan oo ka baxay AlJazeera ayaa sidoo kale waxaa uu Cali dheere kaga hadlay iney shacab badan ku laayeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah oo ay qaadeen.

Halkaan ka Daawo.Sawirada

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS