galmudug-media

XOG: Lacago Lagu Sameeyo Gudaha Puntland Oo Saameyn Ku Yeeshay Suuqa Gaalkacyo


Maamulka Puntland oo waayadii dambe degaanno kamid ah gobollada Bari iyo Nugaal ku sameeynayay lacago been abuur ah oo shillin Soomaaliga oo kale ah ayaa suuqyada magaalada Gaalkacyo soo geliyay.

Makiinadaha sameeya lacagtaan ayaa waxaa iska leh hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas islamarkaana waxay kala yaallaan labada makiinad Boosaaso iyo Garoowe.

Ganacsatada iyo dadka danta ah ee guud ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa dhibaatooyin ku qaba lacagahani oo suuqa markii la soo geliyay hoos u dhac ku keena qiimaha sarifka dollarka iyadoo maciishadda aynaan waxba iska bedalaynin qiimaheedii.

Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa baahinta lacagtani u wakiishay dad ku qoys ah waxaana uu amray in dadka hantidooda lagu la wareego.

Shabakadda Www.Galmudugmedia.com ayaa ogaatay in lacagtani qorshaheeda uu yahay sidii hantida dadka lagu la wareegi lahaa haddii ay tahay dollar ama dhul.

Dowladda Federaalka oo lagu wargeliyay lacagaha degaannada Puntland lagu sameeyo ayay sheegtay in looga digayo kal hore in waxaas aynaan u fiicneyn umadda Soomaaliyeed oo xilligani la daalaadhacaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah waxaana dalka intiisa badan ka jirta abaar daran.

Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in Lacagtaasi Been abuurka ah lagu Farsameeyo Degaanada Maamulka Puntland islamarakaana Sicir barar ku riday Dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

“Waa wax laga Xumaado in Puntland oo ka mid ah Tiirarka Nidaamka Federaalka laga soo saaro Lacago Sharci daro ah,taas oo dhaawaceyso Dhaqaalaha Puntland iyo kan Dalkaba”ayuu yiri Guddoomiye Bashiir.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay socdaan Qorshe Lacagaha Been abuurka ah Dalka looga saarayo islamarkaana Shilinka Soomaaligaa dalka laga isticmaalayo.

Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa la amray inay fasaxdo oo aynaan ka hadli Karin lacagtani gudaha Puntland lagu sameynayo oo sharci darro ah waxaana arrintaasi ay muujinaysa sida Maxamuud Saleebaanku oo talada mar walba haya ay iska sarreeyaan Cali Saleebaan maadaama wasiirka maaliyadda Shir Faarax uu reer Bari yahay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ganacsato ku heyb ah Cabdiweli Gaas uu shirayay kana dalbaday in lacagtani loo soo geliyo si hantida dadka loogu la wareego.

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa horey uga digey lacagahaan been abuurka ah oo magaalada uu soo gelinayo maamulka Puntland.

 HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

 lacag-s lacag lacag1 lacag-g lacag-1

 

Shabakadda  Www.Galmudugmedia.com Kala Soco Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo xogaha qarsoon

Xafiiska Garsoor, Gaalkacyo

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS