galmudug-media

Dhageyso: Madaxweynaha Dowladda Galmudug Oo Farriin U Dirtey Ganacsatada


Madaxweynaha dowladda Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo iminka ku sugan Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ka hadlay Shaqada ka socota Dekedda Magaalo xeebeedka Hobyo ee dowladda Galmudug.

Mudane Cabdikariin Guuleed ayaa ugu baaqay Ganacsatada ka soo jeeda Degaannada dowladda Galmudug in ay Maalgashi ku sameeystaan Galmudug oo hadda bidhaan Ganacsi uu ka muuqdo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay Xil iska saari doonto Ganacsatada iyo Ganacsigooda islamarkaana ay heli doonaan Ammaan ay ku naaloodaan.

“Waxaan dhihi lahaa maalgashada dhulkiina Galmudug waad aragtaan ififaalaha dekadda magaalada Hobyo, Galmudug waxay damaanad qaadanaysaa amnigiina iyo hantidiinaba” ayuu yiri Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hadalkaan madaxweynaha dowladda Galmudug Guuleed ayaa ku soo aadaya iyadoo badeecooyin kala duwan oo baabuur iyo shidaal iyo sokor ay ka mid yihiin ay ka soo degayeen maalmihii dambe magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO 

AMA HOOS KA DAAWO

Cabdikariib-Guuleed-qado-sharaf-150x150

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS