galmudug-media

Dhageyso:- Gudiga Abaraha Degmada Gaalkacyo oo Deeq lacageed kale wareegey Dugsi Al-shacab Ee Gaalkacyo.


Gudiga abaaraha Degmada Gaalkacyo ayaa maanta Deeq lacageed kala wareegey Dugsiga Hoose dhexe iyo sare Ee Al-Shacab Ee Magaalada Gaalkacyo taas oo gaaraysay 17,500 oo shilinka Soomaaligaa

Goobta lagu gudoonsiinayo lacagta loogu talagalay wax uqabashada Dadka abaaruhu sameeyen gudiga abaaraha ayaa waxaa ugu horey ka hadlay maamulaha Dugsiga Al-shacab C/casiis Pasaam

Gudoomiyaha Ardayda Madarasada Al-shacab Siciid Cali C/raxman oo maamulka dugsigu uu u wakiishay gudoonsiinta lacagta gudiga abaaraha ayaa waxaa uu xusey in tirada lacagta aysan ka turjumayn wax haysiga ardayda hase ahaatee la rabo in ay tusaale u noqoto dadka wax haysta inay wax sadaqeystaan.

Gudoomiyaha Xaafada howlwadaag Uweys Sheikh Axmed iyo Siciid gardaani oo ka tirsan gudiga abaraha ayaa uga mahad celiyey dadaalka ay ardadu sameeyeen loona baahan yahay inay bulshadu ka tusaale qaadato

Ugu dambeytii ayaa waxaa gaabto ka hadashay Qadra C/laahi Cali iyadoona sheegtay in dugsiga Al-shacab ay iskoob cusub dhigeen maamulka iyo Ardayda .

Halkaan ka Dhageyso Codka 

Sawirada iyo Codadka.

 

 

 

2

3

4

5

7

6

 

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS