Daawo.[Sawirro] Hay’adda samafalka Maxamed bin Raashid ee Imaaraadka Carabta oo Qoys Danyar ah u Qaybisay HILIB

Hay’adda samafalka Maxamed bin Raashid ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa deeq hilb ah u qaybisay boqollaal qoys oo dan-yar ah, oo isugu jira dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir, Dadka baahida gaarka ah qaba, iyo Dadka Indhoolayaasha ah ee ku jira Dugsiga Al -Basiir oo wax lagu baro Ardayda indhoolayaasha ah.

Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid ee Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa qashay 170 oo Neef oo lo’ ah, oo ay ugu talo-gashay in Hilibkood loo Qaybiyo Qoysaska Dan-yarta ah iyo Barakacaayasha.

Deeqdaan Hilibka ah ee ay Qaybisay Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid ee Imaaraadka Carabta waxaa ka faa’iideystay dad aad u fara badan, kuwaasoo isugu jira dumar & Caruur iyo dad da’ ah iyo Ardayda indhoolayaasha ah ee wax ka barta Dugsiga indhoolayaasha Al –Basiir ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Qoysaskii ka Faa’iideystan Hilibka Udxiyadda ayaa uga Mahad-celiyay Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid deeqdaan ay soo gaarsiiyeen, iyagoo xusay in ay kusoo beegantay Xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen.
Hay’adaha samafalka ee dalka Imaaraadka Carabta oo kala ah Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa maalintii Sedaxaad ka wada Magaalada Muqdisho howlo Hilib qeybin ah Munaasabadda Maalmaha Ciidul-Adxa.

Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa xoolaha ay hibil ahaanta u qeybiyeen Maalmaha Ciidul-Adxa waxa ay gaarayaan 370 neef oo Lo’ ah, waxaana ka faa’iideystay ku dhawaad 4500 oo Qoys, oo isugu jira Barakacayaal, Dadka Saboolka ah iyo Qoxootiga Yemen ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka Carabtu waxa ay ka mid ah Dowladaha mar waliba taageerada iyo kaalmada bini’aadamnimo la garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan Ka Daawo Sawirada

aaa ddd gg rr ss 13 333


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar