galmudug-media

Akhari Warbixin Xasaasi ah : Juventus Vs. Fiorentina


Juventus waxa ay difaacashada Serie A-ga ku bilaabi doontaa Fiorentina oo ay ku qabaili doonto garoonkeeda.

Max Allegri ayaa isha ku haya in uu guul ku furto si ay hore uga socdaan tagitaankii Paul Pogba oo dib ugu laabtay Manchester United.

 

WARARKA LABADA NAADI

-Marka laga yimaado in ay ku lumiyeen Manchester United Paul Pogba, hadana, Juventus afar saxiix ayey sameeysay.

– Medhi Benatia iyo Gonzalo Higuain keydka ayey ku soo bilaaban karaan halka Dani Alves iyo  Miralem Pjanic la filayo in ay ciyaaraan laga bilaabo siiriga kowaad.

–    Mario Mandzukic ayaa ugu cad cad in uu kula soo bilowdo weerarka Paulo Dybala maadma Higuain uusan ahayn taam. Patrice Evra hada ayuuba ku soo laabtay tababarka umana diyaarsana kulankan.

– Fiorentina dhaq dhaqaaq muuqda kama sameyn suuqa, kaliya waxa ay la soo saxiixdeen Sebastien De Maio, kaas oo hada tijaabada caafimaad u maray.

-Taas waxa ay ka dhigan tahay in safka ku soo bilaaban doona kulan ay yihiin isla kuwii xilli ciyaareedkii hore, Giuseppe Rossi duulaanka ayuu hogaamin karaa.

 LA SOCO

-Juventus wey badiay 26 ka mida 28-kii ugu dambeeyey Serie A-ga.

-Juventus 11-kii kulan ee Serie A-ga ugu dambeeyey gool loogama dhalin garoonkeeda.

-Juventus 31 ka mida 34-tii kulan ee ugu dambeeysay is araga iyada iyo Fiorentina lagama badin dhamaan tartamada.

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS