galmudug-media

Maxaa kala socotaa wararkii ugu danbeyay ee Paul Pogba?


Maxaa Ku Soo Kordhay Heshiiska Rikoorka Ah Ee Ay Manchester United Kula Soo Wareegeyso Paul Pogba?

Waxaa Qoray: Abdinaasir ali samatermr-oomane
Taariikh:17-07-2016

 

Heshiis uu warkiisa soosocday mudo dheer  ayaa la sheegayaa in saacado kaliya ay inaga xigto in la soo gabagabeeyo iyadoo Manchester United ay ku dhowdahay saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba.

23 jirkaan ayaa u wareegay horyaalka Serie A ka dib seddex sannadood uu joogay Old Trafford, laakiin waxa uu ku dhow yahay inuu ku soo laabto heshiis noqonaya rikoorka adduunka oo gaaraya 125 milyan euro.

Waxa uu haatan fasax ku joogaa Mareykanka, laakiin wargeyska Ingariiska ee The Sun ayaa sheegaya inuu sida ugu dhow heshiis u saxiixi doono Red Devils, waxaana ay sheegayaan inuu tijaabada caafimaadka mari doono maalinta talaadada.

Iyagoo durbaba la soo wareegay Eric Bailly, Henrikh Mkhitaryan iyo Zlatan Ibrahimovic xagaagan, waxa ay noqon doontaa fariin culus oo uu Jose Mourinho u diro kooxaha kale haddii uu dhameystiro saxiixa Paul Pogba.

Tan iyo markii uu u wareegay Turin, Paul Pogba waxa uu u saftay Juventus 178 kulan isagoo mudadaas dhaliyay 34 gool, waxaana uu caawiye ka noqday 43 gool kale.

 

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS