Faah faahinta heshiiska Arsenal ay kula soo wareegayso Granit Xhaka

Kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach.

Intabadan saxaafada caalamka ayaa si wayn u hadal haaya in kooxda Arsenal ay ku dhawdahay ku dhawaaqida saxiixa Granit Xhaka kaas oo ku jira qaab ciyaareed aad u fiican.

Telegraph ayaa shaacisay in Arsenal ay ku dhawdahay inay 30 milyan oo Ginni ku soo afjarto saxiixa 23 jirka reer Switzerland suuqa kala iibsiga ee xaggaaga, tababare Wenger ayaana doonaya inuu si dhaqso ah ku soo qaato Granit Xhaka.

Granit Xhaka ayaa la filayaa inuu u saxiixo Arsenal heshiis 5 sano ah isaga oo isbuucii mushaar ahaan u qaadan doona 120 kun oo Ginni.

Arsenal ayaa loolan ku aadan saxiixa Xhaka kala kulmaysa kooxda Liverpool oo dhankeeda doonaysa inay la wareegto xaggaagannaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar