galmudug-media

Daawo Sawirro Qosol Ah Oo Laga Sameeyay Kulankii El Clasico misse Oo Galay Jeebka Casemiro


Real Madrid ayaa xalayto guul weyn ka gaartay kooxda ay cadaawada weyni kala dhaxeyso ee Barcelona iyagoo 2-1 ku dubtay ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Camp Nou, taasoo ka dhigay inay koox walba xilli ciyaareedkan ku soo badisay garoonka kooxda kale. Tababare Zizou ayaa isna ku bilowday El Clasico guul isagoo tababare ah si la mid ah markii uu ciyaaryahan ahaa.

Hadaba baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayay guushii ay gaartay Real Madrid, waxaana laga sameeyay sawiro maad ah oo dabcan aysan jecleysan doonin taageerayaasha kooxdii xalayto guuldareysatay ee Catalans. Waxaana idiin soo xulnay qaar ka mid ah sawirada maadeysiga ah ee laga sameeyay El Clasico.

——————————————-

Waxa ay Barcelona iyo Real Madrid dul saareen sawirka markii uu Brock Lesner ka badinayay Andertaker ciyaartii musaaricada ee Wrestlemania ee sannadkii hore, iyadoo Lesnar uu yahay Real Madrid halka caawiyihiisa Paul Heyman uu yahay Zidane.

1459636467_901586_1459636516_album_grande

Sidoo kale waxaa la soo qaatay sawirkii herdida ee Zidane laakiin waxaa wajiga Materazzi la dulsaaray macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique.

1459636467_901586_1459636506_album_grande

Taageerayaasha Barcelona oo madaxa dhulka la galay ka dib guuldaradii ka soo gaartay Real Madrid xalayto.

1459636467_901586_1459636505_album_grande

Garsooraha ayaa lagu tilmaamay mid indhoole ah ka dib markii uu diiday goolkii Gareth Bale oo ku celiskii la daawaday muujinayay inuu sax ahaa.

1459636467_901586_1459636504_album_grande

Qaarbaa iyagana difaacay Cristiano Ronaldo: “Ku ooriya… waxaana uu sii wadi doonaa inuu idiin aamusiyo.”

1459636467_901586_1459636507_album_grande

Qaar kale ayaa iyagana Pique ku duray guuldaradii xalayto iyagoo soo qaatay sawirka Cristiano Ronaldo iyo Shakira oo ah xaaskiisa.

1459636467_901586_1459636508_album_grande

Casemiro oo ahaa xiddigii garoonka ee ciyaartii Camp Nou ayaa la sheegay inuu xalayto jeebka ku ritay Lionel Messi.

1459636467_901586_1459636509_album_grande

Kuwa ayaa iyagana su’aal ku maadeysi ah abuuray: “Ronaldo waxa uu kaliya goolal ka dhaliyaa kooxaha Yaryar. Sidaasi darteed Barca ma koox yaarbaa.”

1459636467_901586_1459636510_album_grande

Guushii Real Madrid iyo guuldaradii Barcelona waxaa ku farxay oo u dabaaldegay taageerayaasha Atletico Madrid.

1459636467_901586_1459636512_album_grande

James Rodriguez iyo Isco oo aan boos joogta ah ka heysanin Real Madrid ayaa iyagana lagu maadeystay.

1459636467_901586_1459636513_album_grande

“Waxay yiraahdeen gool ma dhalinayo maanta sababtoo ah gool ma dhaliyo kulamada muhimka ah. Laakiin waxa uu dhaliyay 10 jeer 9 jeer uu booqday Camp Nou” ayaa lagu qoray sawir kale.

1459636467_901586_1459636517_album_grande

 

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Fadlan Like saar pageka
ADVERTISEMENTS