galmudug-media

Qorshe: Arsenal Oo Bilowday Qorshe Dib Loogu Habeynayo Khadka Dhexe Ee Kooxda Iyagoo Wada Doonaya Sadex Xidig Oo Heer Caalami Ah


Arsenal ayaa sadex jeer oo kala duwan soo daawatay Granit Xhakaoo ah xidiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Monchengladbach waxaana la fahansan yahay in kooxda macalin Wenger ay ku dalban doonto xidigaan lacag dhan £30 milyan oo pound.

Laakin qorshaha Wenger kuma koobna kaliya xidiga Swiss ka ee sidoo kale xidiga Real Madrid iyo Germany ee Toni Kroos iyo burbiyaha Southampton ee Victor Wanyama ayuu ka doonayaa dhamaan iney xili ciyaareedka danbe ku tartamaan khadka dhexe ee kooxdiisa, sidaasi waxa qortay Daily Mirror.

Kroos oo 26 sano jir ah ayaa u furan u dhaqaaqitaanka horryaalka ingiriiska waxayna Arsenal ka faa’ideysan doontaa xiriirka fiican ee kala dhexeeya Real Madrid oo ay labo suuq ka hor kasoo iibsadeen Mesut Ozil sidoo kalena uu burburay xiriirkii ganacsi ee ka dhexeeyay United iyo Madrid sidaasi darteedna aysan wax tartan ah kala kulmi doonin kooxda shayaadiinta cascas.

Victor-Wanyama-Toni-Kroos-Granit-Xhaka

Laakin kooxda Gunners ayaa aad u dooneysa 23 jirka Swiss ka ah ee Xhaka kaasoo ay u arkaan xidig leh mustaqbal ifaya, wuxuuna Wenger oo ku sii dhawaanaya inuu u dabaal dago joogitaankiisa kooxda ee 20 kii sano ee u danbeeyay uu u arkaa xidigaan hadiyad uu ku wareejin karo macalinka xiga ee isaga badalka u noqon doono h

Mathieu Flamini, Tomas Rosicky iyo Mikel Arteta ayaa dhamaan xili ciyaareedkaan firaaqeyn doona qolka labiska kooxda Gunners.

Nagala Soo Xiriir

Galmudugmedia1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS