Warbixin; Muhiimada Ay Leedahay Dhismaha Dekeda Hobyo. ;Akhriso;

Dhismaha iyo dhamaystirka dekeda magaalada Hobyo waa mid muhiimad gaara u leh dhamaan shacabka reer Galmudug iyo somaali dhamaanteed.
Waa il dhaqaale oo maamulka Galmudug kaga faaidaysan doono maal gelinta mashaariicda hormarineed ee horyaala loona baahanyahay in la hirgeliyo.

Marka laga tago inay muhiim u tahay ganacsatada reer Galmudug ee badeecooyinka ay keenaan kala soo degaya iyo weliba maamulka oo ay dhaqaale oo muhiim ah u noqonaso waxaa iyana muhiim ah in la xuso inay noqon doonto deked muhiim u ah gobolada kale ee si uun ugu xidhin Galmudug.

Dhamaan Gobolada deriska la ah Galmudug ama maamulada ay siyaasad wadaaga yihiin ayay sidoo kale u noqonasaa meesha keliya ee ay wax kala soo degaan si toosana iyada ugu xidhmi doona.

Reer Galmudug ka sokow dhaqaalaha ay ka heli doonaan Dekeda Hobyo waxaa kale oo ay ka faaidi doonaan is dhexgal bulsho oo ay la wadaagi doonaan bulshooyinka ku xidhmi doona dekeda kuwaasoo ka iman doona ilaa Ethiopia.

sidaa darteed maamulka iyo shacabka reer Gamudug ba waa inay xooga saaraan sidii mashruuca dhismaha dekeda hobyo looga midha dhalin lahaa maal iyo muruqna laysugu geyn lahaa.

Yaan loo.kala hadhin hirgelinta mashruucaas faaidada badan leh. Hana noqdo waxa ugu horeeya ee dhamaystirkiisa laguda galo. Yaana loo kala hadhin.

Guul iyo Gobanimo Galmudug.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar