Warbixin; ku socodta Shacabka Somaliyeed W/Q: Anab Diriye ;Akhriso.

canab diriye waa gabar ree Galmudug waaana ree qurbe waxayn diyarisay warbixin cajiib ah kuna socota shacabka somaliya waxayna ka turjumasya dardarada heysata kabgasha wacan …………………………..

Waddankeenna waqtigii gumaysiga ilaa hadda la joogo, hadba marxalad cusub buu geleyey. Dhibka oo waqti hore billoday, uuna garwadeen ka ahaa dhiigyacabkii gumeytaha, ujeedkii uu lahaa uma hirgelin, oo dad dun adag ka sameysan baa jilibka u dhigay, walow uu dhibaato  xad dhaaf ah geystay.

Waxuu arrinku maalinba meel joogo, waxaa curatay dowlad soomaalidu u madaxbannantahay, markii qof kasta hubsatay,  in xornimadii la goobayey la helay, dadkii ma noqon kuwa kala qoqoban, kumana dhex milmin siyaasadda, ee waxay isku howleen in cid walba meesha ay joogto wax ka qabato, oo horumar la gaaro, si aan dib  loogu noqon.

Gobollada iyo degmooyinkii jiray xilagaa, ma a ahayn mid dowladdu dhistay, waayo, daqli ay lahayd, oo ay waddanka gees ka gees ku maalgeliso ma jirin, oo gumeysi baa laga soo baxay, dadweynihii iyagaa isku tashaday, oo sidii ay wax u awoodaan bay wax u qabsadeen.

Xukmadihii waxay is bedelaanba, waxaa la gaaray, inay dhacday magaca la yiraah dowlad Soomaaliyeed. Waxaa billowday halaag ilaa waqtigan laga sheekeeyo, waana mid ka daran gumeytihii caddaanka ahaa, ee dagaallada magacyada kala duwan watay soomaalida ku hayey, in kasta oo intooda badan ay ka soo horjeesteen af iyo addin, in kasta oo ay badnaayeen inta ku faraxsaneyd oo wanaag u arkeysay dagaalka macno darradda ah, halaagga is dabajoogga ah oo dhimashadu  tiro beeshay, ciidamo dano gaar ah watana meel kasta  waddanka ka soo geleen, gumaad iyo dhac fara badanna u geysteen dadkii dhulka lahaa haddana soomaalidu ma noqon kuwa daciifay, oo is dhiibay.

Haddaan ciwaanka dib ugu noqdo, soomaaliddu waxay la mid tahay, doon si xad dhaaf ah loo raray, oo tankeedii la dhaafiyey, haddana, degiwesay (salka geliweysay, quusi weysay). Waxaan  ognahay, haddii shay kasta awooddiisa wax qaadka la dhaafsiiyo, inuu rogmanaayo. Dalkeennu sidaa buu la macno yahay. Nasiib wanaag ,waa rogman weynnay, taas waxay caddeyn u tahay, in weli soomaali adag jirto, marba haddaan dadka noocaa ah nahay, oo aan qalbiga dalka iyo dadka ka jecelnahay, maxaa diiday inaan hal jiho, aan u jeesanno, oo aan dannaheenna ka shaqeynno?.

Waa in dhibkii dhacay, loo daayo dadka wax qora, keydna loo sameeyo, xumaan iyo samaan wixii laga dhaxlay. Haddii la soo celcelyo, qasaarihii cid walba ku dhacay, wax horumar ah, oo la gaarayo, ma leh, taariikhda baa sheegi doonta, ee ha la sugo.

Doon miisaan badan la ciirciireysa baan nahay, ee aan is dabbo qabanno. Horta maxaa dadweynaha la gudboon? Waaxaa la gudboon, oo laga rabaa, inay noqdaan bulsho wax soo saar leh. Waa inaysan waxyaalaha qaarkood ka sugin dowladda, oo ay iyagu isku tashadaan, sida nadaafadda xaafadaha, iskuul dhisidda, nabadgelyada. Waa inay noqdaan, dad maskaxda iyo jirka ka xooggan, oo iska celin kara qaladaadka meel kasta uga imaanaya. Waa inay garabsiiyaan oo taageero u muujiyaan, ninka haldoorka ah, oo ay isleeyihiin waddanka waa samata bixin karaa.

W/Q: Anab Diriye


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar