Inka badan 200 qof oo ku dhimatay is-buurasho ka dhacday xajka

Dad gaarayo 220 qof ayaa dhimatay kaddib markii goor dhaweyd ay is-buurteen xujeyda gudaneyso waajibaadka xajka ee ku sugan magaalada barakeysan ee Makkah ee dalka Sacuudiga.

450 qof oo kale ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen dhacdada oo ka dhacday Mina oo ay maanta ku sugan yihiin xujeyda.

Mas’uuliyiinta waaxda difaaca Sacuudiga ayaa xaqiijiyey shilkan, waxayna sheegeen in ay socdaan gurmad lagu samata bixinayo dadka dhaawacmay, iyadoo laga cabsi qabo in ay dhimashada korodha.

Horraantii bishan ayey aheyd markii 107 qof ay ku dhinteen markii uu ku soo dumay mid kamid ah wiishashka masaajidka Xaramka


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Skip to toolbar