Daawo Sawirada Jeneraal Qeybdiid oo booqasho ku tegay xerada millateriga Galmudug

Madaxweynihii hore ee Galmudug Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa kormeer ku tegay xerada ay ku jiraan ciidanka Galmudug intiisa badan ee ku taalla meel la yiraado oo Gaalkacyo u jirta qiyaas dhan 60KM.

Qeybdiid ayaa halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidamada isla markaana u sheegay inay wanaagsan tahay in dadka iyo deegaanka loo sii dadaalo waqtigani lagu jiro oo gardarooyin ay ka imaanayaan goballada deriska ah ee Nugaal iyo Bari.

Xerada Millateriga Galmudug Indha Qaris oo u dhow Docol ayuu Madaxweynaha Galmudug Qeybdiid wuxuu sidoo kale kula hadlay ciidamo badan kuna la dardaarmay in ay adkeeyaan Nabad galyada iyo difaaca Galmudug.

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Galmudugmedia ayaa sheegaya in Qeybdiid uu ciidamada u qeybiyay lacago mushaaraad ah isla markaana u jeediyay inay wanaagsan tahay in la iscafiyo.

“GEN. Cabdi Qeybdiid halkani waa xerada millateriga indhaqaris ee Galmudug ku soo dhowaaw maanta waxay inoo tahay inaad na soo booqato arrin farxad leh oo ciidanka Galmudug dhiiragalinaysa” ayuu yiri mid kamid ah taliyeyaasha Galmudug.

Ugu dambeyn Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in in midnimada Galmudug la xoojiyo oo aan loo dhaga raaricin wararka ka soo yeeraya Puntland wuxuuna ciidamada ku ammaanay sida ay isaga waajib yeeleen difaacidda dhulka Galmudug.

Www.galmudugmedia.com

Xafiiska Gaalkacyo

10982792_667098733420981_2900633129982863272_n 11542093_667098770087644_6407436233081808474_n 11692708_667098650087656_8442710259706200779_n 11738030_667098606754327_5621212486399265688_n 11738066_667098676754320_4045058080905814665_n download (3) images (1) images (2)


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. masha allah galmudug guul iyo gibanimo cidii inasogardaraysatana indhaha kudhufta




Skip to toolbar